Soomaaliland oo cadeysatay Mowqifkeeda ku aadan dalalka Qadar iyo Sacuudi Carabiya

Maamulka Soomaalialnd ayaa si buuxda u taageeray Go’aankii kas oo baxay 5 dal oo kamid ah Wadamada jaamacadda Carabta kaas oo ay ku sheegeen in ay xiriirka ugu jareen dowladda Qatar.

Shir ay yeesheen golaha Wasiirada mamulka Soomaalialnd ayaa la isku raacay in si buuxda loo taageero go’aankaas walow ay jireen wasiiro qaarkood kas oo horjeeday.

Wasiirka arrimaha  dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa weriyayaasha u akhriyey go’aanka ka soo baxay golaha Wasiirada waxa uuna u qornaa sidatan.

1- in  Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sacuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.

2-Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan  Somalialnd ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

3-Somaliland way u madax-banaan tahay cirkeeda , dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.

Go’aankan ka soo baxay Maamulka Somaliland ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex dhexaadnimo ka istaagtay khilaafka wadamada khaliijka.