Soomaaliland iyo Puntland oo Madaafiic is weydaarsaday iyo Askar S-Land ah oo waxyeelo soo gaartay

Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saacaddihii lasoo dhaafay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ee halkaasi ku sugan.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa socotay dhowr Daqiiqo waxaana ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Hal Askari oo ka tirsanaan ciidamada Somaliland ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Madaafiicda ka dhacday degaanka Tukaraq.

 Waxaa sidoo kale jira dhowr Askari oo uu dhaawac kasoo gaaray Madaafiicda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sii xogeysatay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland.

Labadda maamul ayaa wali waxa ay ciidamo kusoo daad guureynayaan degaanka Tukaraq , waxaana sidoo kale jira baaqyo ay wali dirayaan waxgaradka labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa u muuqda in ay si buuxda ugu guuldareysteen joojinta dagaalka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.