Somaliland oo hakisay Wada hadaladii ay la yeelan lahaayeen Dowladda dhexe

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay wadda hadaladii dhex mari lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha wakiilada ayaa sheegay inaanay jirin duruuftii saamaxaysay in dib loo furo wada hadalka.

Wasiir Sacad ayaa sheegay inay mudo bil ah dib u dhigeen wada hadalkii ay la yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya.

“Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan aynu qaadanay kamaynaan noqon balse wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto markaa mudo bil ah ayaanu dibu dhignay wada hadaladii” ayuu yiri Wasiir Sacad Cali Shire.

Waxaa jirta Xiisad ka dhalatay Heshiiskii Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeesatay.