Somaliland oo DF ku eedeysay inay ka shaqeynayso sii kala fogaashaha Somalia iyo Somaliland

Somaliland ayaa dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay ku eedeysay inay ka shaqeynayso sii kala fogaanshaha Somaliya Iyo Somaliland, kadib markii arrintaasi uu ka hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland. Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay marka la eego hab dhaqanka ay wado dowladda Somaliya inuu yahay mid dhalinaayo cadowtooyo hor leh oo labada dhinac ay ku kala fogaadaan. Waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo Dowladda Soomaaliya ay ka cunaqabateysay Somaliland, sidaasi ay tahayna wali ay sii wado waxyaabo sabab u ah in Somaliland ay ku sii fogaato dhibaatadii horay loogu gaystay. Go’aankii dowladda Somaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea, ayaa wuxuu ku tilmaamay inay tahay aragti gaaban oo aan aad looga fiirsan. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, ayaa sheegay haddii dowladda Soomaaliya sidaasi ay ku dhaqanto inay jiri doonaan dalal kale oo xiriirka ay u jaraan, maadaama Somaliland ay la macaamileyso dowladdo hor leh.