Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furtay Shirweye Qaran oo ah dib u heshiisiin.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed , waxaana looga hadlaya sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya Bulshadda Soomaaliyeed.
Shirkaan oo haatan ka socda Hotel city Plaza ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya C/faarax Siciid Juxa.
Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sida ugu fudud ee looga gudbi karo dhibaatooyinka mararka qaar ka dhex dhaca Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo sidii dib u heshiisin loo kala dhex dhigi lahaa.
Gaba gabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo hordhac ah kaas oo xal u noqonaya dhibaatooyinka sababa dagaalada sokeeye.
SAWIRO