Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa dib u dhacay shirkii maanta oo arbaco ah ay ku balansanaayeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda kaasi oo ka dhici lahaa Magaaladda Kismayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka jubba-land.
Shirka ayaa dib loo dhigay ilaa maalinta Axadda ah Todobaadka dambe si Madaxda ka qeyb galaysa ay halkaas u gaaraan.
“ayada oo maalinta barri ah Madaxweynaha Hirshabelle mudane Waare iyo Madaxweynaha koonfur Galbeed mudane Shariif Xasan lasugayey inay kasoo degaan kismaayo , ayaa waxaa khadka telefoonka kuwada hadlay Madaxda Dowlad goboleedyada iskuna afgartey in muddo 3 maalmood ah dib loo dhigo shirka si xal looga gaaro xaaladda maamulka Galmudug ee sii murgaysa”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyadda Jubba-land ee Kismaayo.
Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda maamulka Hir-shabeelle si ay kaga qeyb galaan shirkaas.
Dhanka kale waxaa shirkaan qaadacay Maamulka Puntland oo sheegay in uu yahay shir aan Maslaxad ugu jirin Umadda Soomaliyeed, islamarkaana wixii qalad ah ee jira loo baahan yahay in ay saxdo Dowladda Soomaliya.
Shirkaan oo bishaan Gudaheeda ka dhacaya magaaladda Kismaayo ayaa walaaca ugu badan waxaa qaba Dowladda federaalka Soomaliya, waxayna culees ku saaraysaa Guddoonka Aqalka sare in aysan ka qeyb gelin shirka Magaaladda Kismaayo.
Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga tashanayo, xalna loogu raadinayo khilaafkii ka dhashay go’aanadii iska horyimid ee Dowlad Goboleedyada qaar iyo Dowlada Federaalka ah ee la xiriiray Khilaafka wadamada khaliijka.