Shirkan wadatashiga ah oo looga hadlayay sameynta qorshaha Amniga Qaranka ee 2020 ayaa maanta oo Talaado ah ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, kaasi oo inta uu socday lagu gorfeeyay arrimaha laxiriira qorshaha Amniga Qaranka Dalka.
Ujeedada shirkan ayaa ah sidii loo heli lahaa qorshaha Amniga Qaranka ee dalka ilaa 20120, si loogu guuleysto xaqiijinta guud ahaan amaanka Dalka.
Waxaa si rasmi ah u furey shirkaasi Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), iyadoo ay ka qeyb galeen wafuud ka kala socota Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilo ka socotay Beesha Caalamka oo taageerta Dowladda.
“Waxaan diyaarinay qorshahsiyaasadda Amniga Qaranka,waxaa wasaaradda ka go’an in Amniga dalka la horumariyo, waana uga mahadcelinaynaa Beesha caalamka sida ay inooga caawinayso dhismaha hay’adaha Amniga ee dalka”, Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Amniga.
Shirkan oo ahaa shir hal maalin ah, ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda Amniga waxay ku tilmaameen in uu yahay, wejigii koowaad ee ee dejinta qorshaha siyaasadda Amniga Qaranka, iyadoo la isugu imaan doono shir kale oo lagu dhameystirayo qorshahaasi.