Kulanka Khamiislaha ah eeĀ golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Maanta ka furmo Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Shirka golaha wasiirrada ayaa la filayaa in looga hadlo ajandayaal dhowra oo ay ka mid yihiin dardar gelinta howlaha horyaalla xukuumadda, la dagaallanka Al-Shabaab iyo sidii loo sii laba laabi lahaa howlgalada ka dhanka h Islaamiyiinta.
Magaalada Baydhaba ayaa haatan waxaa ka soconaya qaban qaabada shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ammaanka Magaalada si weyn loo adkeeyay.
13-kii July ee Sanadkan 2017-ka ayay ahayd markii sidan oo kale uu shirka golaha wasiirrada Soomaaliya ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamul Goboleedka Jubbaland.