Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyadda ayaa galinka dambe ee maanta waxa uu ka furmi doonaa magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Shirkaan waxaa shir gudoomin doona Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxaana ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland,Koonfur Galbeed Soomaliya, Hir-shabeelle, iyo Jubba-land.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa waxyaabaha ka qabsoomay shirkii ugu dambeeyay ee dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada iyada oo shirkii ugu dambeeyay waxyaabaha ka soo baxay ay ka mid ahaayeen isku dhafka Ciidanka,sugidda amniga dalka,wadaagga Kheyraadka iyo qaabka doorasho qof iyo cod ah uga dhaceyso Sanadka 2020-ka.
Madaxweynayaasha Hir-shabeelle, iyo Puntland Maxamed Cabdi Waare, iyo C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle( xaaf) uu mudooyinkii dambe uu ku sugnaa Muqdisho.
Shirkaan ayaa socon doona Labo maalin waxaan Magaaladda Maanta soo gaari doona Madaxweynayaasha Jubbaland iyo koonfur Galbeed Soomaliya Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) iyo Shariif Xasan Shiikh aadan.
Amniga Magaaladda muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana wadooyinka Muqdisho lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya.











