Shirka Amniga Qaranka oo ka furmaya Magaalada Baydhaba

Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay,waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka amniga Qaranka ee ay ka qeybgelayaan dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Amaanka Magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu daadiyay Ciidamada dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed.

Shirka oo maanta lagu wado in uu ka furmo Baydhaba waxaa ka qeybgelaya Madaxweynaha dowladda Federaalka ah iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Goobsan in dhamaan afarta maamul Goboleed ee kale Madaxweynayaashooda ay ka qeybgelayaan shirka.

Waxaa uu sheegay in shirka uu furmayo marka ay dhamaan madaxda sare ee dalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada gaaraan magaalada Baydhaba.

Waxaa jira warar sheegaya in ay suuragal tahay in uu shirka dib ugu dhoco maanta,hayeeshee waxaa uu Afhayeenku sheegay in ay ku xiran tahay sida ay madaxda u tagaan Baydhaba islamarkaana haddii ay xilli hore wada tagaan uu shirka maantaba furmayo.