Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Waxaa ka furmay Shir looga hadlaayo xal u helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha dalka.
Shirkaan ayaa socon doona Muddo Saddex Maalmood ah , waxaana ka qeyb galaya Wakiilo ka socda Maamulada dalka ka jira iyo Hay’addaha Qaramada Midoobey.
Shirkan waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,waxaana fulineysa Wasaaradda arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hay’adda UNHCR ayaa 2014-kii ku heshiiyay in qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Dhadhaab dib loogu celiyo dalkooda, ayagoo aan la qasbayn.