Shir horudhac ah oo ay yeesheen maamulada Galmudug iyo Puntland oo ka dhacay Gaalkacyo (Sawiro)

Shir ay isagu yimaadeen Masuuliyiin ka kala socotay Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay ka shirayeen colaada kusoo laa laabatay Gobolka Mudug taasoo sababtay in dhowr mar uu dagaal dhex maro Maleeshiyaad hubeysan oo xoola dhaqato ah iyo in labadan maamul ay dhowr jeer oo hore ay isku fara saareen magaalada Gaalkacyo.

Intii uu shirkaasi socday ayaa waxaa si aad ah looga dooday in lagu dadaalo in markale dagaaladaas aysan soo laaban,islamarkaana laga digtoonaado waxyaabaha soo celin kara dagaaladaas.

Masuuliyiintii ka kala socotay Galmudug iyo Puntland ayaa isku raacay in halkaan laga sii wado kulmada joogtada ah ee lagu xalinaayo dagaal beeleedyada soo laab laabtay.

Warar kii ugu dambeeyy ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta sidoo kale isla Gaalkacyo lagu qaban doono kulamo kale ku waas oo daba jooga kuwii horay u dhacay.

SAWIRO