Shir albaabaha u xiranyihiin oo u dhaxeeya madaxweyne farmaajo iyo Danjiraha imaaraatka

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku qaabilay xafiiskiisa magaalada muqdisho danjiraha dowlada Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammad.

kulankan ayay labada masuul uga wada hadleen xariirka u dhaxeeya labada dowladood sidii loo sii xoojin lahaa iyo sidii dowlada imaaraatku gargaarka abaaraha uga qayb qaadan lahaayeen.

Wakaalada wararka dowlada Imaaraatka Carabta ayaa baahisay in danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammad uu u sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladiisu diyaar u tahay xoojinta xiriirka labada dal, ayna gacan weyn ka geysan doonaan gurmadka loo sameynayo dadka abaaruhu ku saameeyeen Somalia.

Dowlada Imaaraatka ayaa sanadahan galangal weyn ku laheyd arrimaha Somalia, iyadoo heshiisyo toos ah oo aysan ka warqabin dowlada dhexe la gashay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka.

Xiriirka labada dowladood ayaa mudooyinkan sii xumaanayey ka dib markii dowlada Somalia ka carootay heshiiska dowlada Imaaraatku saldhiga milateri uga dhisaneyso magaalada Berbera, lamana oga in arintaas ay isla soo qaadeen Madaxweynaha iyo danjiraha.

Kulankan oo illaa hadda aysan soo hadal qaadin dowlada Somalia ayaa ku soo aadaya xili baarlamanka federaalku uu hor yaallo mowshin ka dhan ah saldhiga uu Imaaraatku ka dhisanayo Berbera.

Warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay codsi kaga yimid danjiraha oo ahaa in hoos loo dhigo mowshinkaas.

Sidoo kale kuankan ayaa ku soo aadaya xili shirkada DP World oo ay leedahay dowlada Imaaraatka ay shalay madaxweynaha maamulka Puntand kula saxiixatay magaalada Dubai heshiis 30 sano soconaya oo shirkadaas loogu wareejiyey dekeda Boosaaso, waxaana ka sii horeeyey heshiis kan la mid ah oo isla shirkadaas ay la gashay Somaliland kaasoo loogu wareejiyey dekeda magaalada Berbera.