Sheikh Sharif “Ma aqbali karno in Farmaajo burbur u horseedo Dalka”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo Maanta Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadla xayiraadii shalay dowladda saartay xili uu ku wajahnaa Magaalada Kismaayo ee  Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.

Sheekh Shariif ayaa si adeg u Cambareeyay xayiradii shalay dowladda Soomaaliya saartay,isagoo  tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu tumanayo Dastuurka dalka.

Sidoo kale hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo dowladda Somalia ay ku baalmartay Dastuurka,isagoo sheegay in Baarlamaanka uusan awood u laheyn in wax uu doono soo saaro,isla markaana uu ka hadlo danaha Ummada Soomaaliyeed,taasi ay sababta u yihiin Madaxda dowladda.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari loo diray in shaqada Golaha Shacabka la koontarool,kadib markii ay isqabteen dowladda.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa ka hadlay arrimaha maamul Goboleedyada dalka,waxaan uu sheegay in dowladda Farmaajo ay daba taagan tahay siyaasadda maamulada dalka,isla markaana aysan awood u laheyn in dalka ay maamusho.

“Aniga waxaan lahaa dowladdan 4-ta sano ha la sugo, laakiin haddii aysan dowladan samir u lahayn inay dadka u ogolaato xuquuqdii asaasiga ahayd sidee dowladdanloogu aaminaa doorasho in lala tartamo.” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in garoonka ay u siman yihiin isaga iyo Farmaajo ama muwaadin kasta.

“Haddii xaaladu noqoto anigaa la ii doortay oo wixii aan rabo ayaan sameyna Farmaajo isagoo Hotelkaan degan ayaa lagu wareejiyey awoodda, haddii dowladda ay garan weydo sharcigii ay ku dhisney  maanta nooma muuqato dowlad loo tanaasulo..” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dalka keenay oo isaga oo wata Boorsadiisa xilna u magacaabay,hayeeshee haatan aan laga aqbali doonin in dalka uu burbur u horseedo.