Sheekh Shariif: “Lagama aamusi karno amni darada Magaalada Muqdisho”

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed aya sheegay inuusan ka aamusi karin xaaladda dalku ku sugan yahay xilligan ee amniga, siyaasadda iyo dhibaatooyinka jira, balse aysan taasi macnaheedu ahayn in la dhaleeceeyo dowlada hadda jirta.

Sheekh ayaa sheegay inuu ballanqaaday doorashadii kadib inuusan ka daba hadalin dowladda, laakin hadda uu meteleyo xisbi siyaaasadeed, isla markaana uu gudbinayo afkaar, basle weli ku taagan yahay balankiisii, wuxuuna soo qaaday in si doorasho loo galo loo baahan yahay in dastuurka KMG ah la dhammeystiro

Isagoo ka hadlayey xafladda daah-furka xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ayuu sheegay Sheekh shariif inaan loo baahneyn in hay’adaha dowladda ay hal meel ku ururaan ee loo baahan yahay in hay’ad waliba shaqadeeda gudato

“Waxaan ognahay in amniga magaalada Muqdisho iyo dalka guud ahaan hoos ayuu u sii dhacayey…. Ciidamadeenu ma yara.. waxaa na caawiya ciidamo kale… Magaaalada inay sidan u xirnaato iyadoo amnigii aanu jirin, waxaan aaminsanahay in dib loogu laabto arrintasi… hay’adaha amniga waa inay shaqeeyaan, dadkuna ay taageeraan..” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu kaloo ka haldlay inuu aaminsan yahay in Shabab lala dagaalamo oo aanu ogeyn sabab loola heshiiyo Shabab oo canshuur ka qaadato Dekadda Muqdisho, wuxuuna soo jeediyey in dagaal dhab ah dagaal lagu qaado Alshabaab.

Sheekh Shariif ayaa tiriyey fashilka dowladda Federaalka ka heysta arrimo badan, sida xiririka dibadda, maamul Goboleedyada, Amniga, xiriirka dowladaha deriska iyo arrimo kale, wuxuuna sheegay inaan la iska aamusi karin inta waxa kasta burburayaan.