Allaha u naxariistee waxaa magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarama ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku geeriyooday Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan oo ka mid ahaa Culumaa’udiinka caanka ka ahaa Soomaaliya.
Sheekha ayaa la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay dalka Sacuudiga oo uu in muddo ah degenaa.
Sheekh ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa caalim weyn oo wax baray arday Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Macalimiintii Jaamacadda Lafoole.
Waxaa uu door weyn ku lahaa fidinta Diinta Islaamka iyo baahinta aqoonta iyo cilmiga, waxaa uu wax baray kumanaan arday oo wax ku soo baray Kulyaddii Waxbarashada ee Lafoole.
Sidoo kale waxaa uu masaajidada Muqdisho culumada ku bari jiray Cilmiga naaditka ah ee Usuulu Fiqiga.
Allaha u naxariistee Sheekh Shariif Cabdinuur kama mid aheyn ururadii islaamiga aha ee dalka ka jiray 50-kii sano ee u dambeeyay, wax saameyn ahna kuma yeelan.
Maamulka Iyo Shaqaalaha Warbaahinta Goobsan Waxay Tacsi u diryaan Ehelka uu ka Geeriyooday Sheikh, Samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo Aamiin ,