Sheekh caan ah oo lagu dilay Masjid dhexdiis

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaas lagu dilay Sheekh caan ah oo aad looga garanayo magaalada Baydhabo.

Sheekhan oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Madeer ayaa la sheegay in ay dileen rag ku hubeysan Bistoolado kadib markii ay ugu soo galeen Masjid ku yaala magaalda Baydhabo, Kooxihii dilka gaystay ayaana Goobta iskaga baxsaday.

Sheekh Maxamed Madeer ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ka imaanayay Koonfur Galbeed ku doortay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sida caadada ah Goobta tagay iyagoo sameeyay howlgal aan wax dad ah lagu qaban,balse maanta ayaa la filayaa in Sheekha lagu aaso isla Magaalada Baydhabo.