Shariif Xasan oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Shariif Xasan waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah Senataro laga soo doortay magaalada Baydhabo iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada dowlad goboledka Koonfur Galbeed iyo xildhibaano.

Ujeedka Madaxweyne Shariif Xasan uu u gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxa uu yahay sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka maamul goboleedyada ee ka dhacaya Kismaayo, kaasi oo uu  shaaciyay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin isaga iyo wafdigiisa in ay gaaraan Kismaayo, sidoo kalena ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb galaan shirka Axada furmaya.