Shariif Xasan “Nidaamka Federalka haddi la waayo Dowladda Federalka waa Bur buri doontaa”

Maamulka Koofur Galbeed ayaa Ka digay Qorshe lagu Bur-buriyo Nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Warbaahinta Kula Hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay In hadii uu bur buro Nidaamka Federaal-ka Ay Dowlada somaaaliya Iyana Bur bureyso Hadii Dowlada Ay Bur burtana Uu Maamulka Koofur galbeed uu Meesha ka baxayo
Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay iney koofur Galbeed KU Dhagnaan Doonto Nidaamka Federaalka ayna Ka hortagi doonaan shaqsiyaadka wada Qorshaha Ka dhanka ah Hananka Federaal-ka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu jiro isfahamwaa ka dhexjira Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda Dhexe, islamarkaana la xalin doono.