Shaqsigii faafiyay Imtixaanka Dowlada oo gacanta lagu soo dhigay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in Ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhiggeen Shaqsi lagu tuhmaayo in uu faafiyay imtixaanka dowladda.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29 sano jir ah kana mid ahaa shaqaallaha Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya oo lagu tuhmaayo in uu faafiyay Imtixaanka dowladda.

Waxaa uu sheegay in shaqsiggaan lagu eedeeyay in uu faafiyay Imtixaanka, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku daba jiraan shaqsiyaad kale oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen falkii lagu xaday Imtixaanka dowladda.