Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeeya urur samafal oo ka howgaleysay gobolalda Bay iyo Bakool ayaa lagu afduubtey duleedka egmooyinka Buur-hakaba.

Shaqaalahan oo ka koobnaa 7 ruux (4 haween ah iyo 3 rag ah) ayaa la socday Gaari NOAH ah oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhexda u galay maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan tahay Alshabaab.

Shaqaalahan ayaa dhammaantood u shaqeeya NGO lagu magacaabo GREDO oo ka howgalla degaanadaasi, kaasoo gacansaar la leh hay’ado caalami ah.

Si sax ah looma oga xaalada rasmiga ah ee ay ku sugan yihiin Shaqaalahan ka shaqaynayay Ururka samafal-ka, lamana oga meesha lala aaday,