Shacabka kunool degaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inay dhibaato ay ku hayaan ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Gudoomiyaha degaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud oo ka hadlay arintaas ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay gudaha u soo galeen degaanka, islamarkaana ay xabado ku rideen Shacabka.
Ciidankan ayaa wakhti habeen ah oo dadku ay isku diyaariin inay jiifsadaan soo galay degaanka ayagoo wata Gaadiid dagaal taasna ay tahay arin Khatarteeda leh oo ay dadka ku degaanka ku beertay cabsi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidankan ay kusoo xad gudbeen Xuduuda Soomaliya taasna ay tahay wax qalad ah oo ciidaankaasna ay lahaayeen dan gaar ah.
Cali Saciid Axmed Cabdulle ayaa tilmaamay in Ciidamada Liyuu Boolisku ay soo daba raaceen dadkii ay kasoo barakiciyeen degaanka kaxan dhaale ee gobolka Galgaduud.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay ku hayaan ciidamada liyuu booliska Itoobiya dadka Shacabka ah.