Shabaab oo weerar dhabagal ah ku qaaday gaadiid uu La socday Madaxweynaha Jubaland.

Dagaal xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada maamulka Jubaland iyo Al-shabaab uu dagaal ku dhexmaray waxaana ka soobaxaya faah faahino khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Waxa uu yimid dagaalku kadib markii Alshabaab ay wada u galeen kolonyo ay la socdeen ciidanka ilaalada madaxtooyada Jubaland oo kusii jeeday deegaanka Baar-sanguuni ee gobalkaas.

Saraakiisha maamulkaas ayaa Goobsan u sheegay in ay iska caabiyeen weerar dhabagal ahaa oo Alshabaab ay ku soo qaadeen wax khasaara ahna uusan ka dhalan sida ay ku warameen saraakiishu.

Dhinaca kalana Shabaab ayaa sheegay in ay wada u galeen kolonyo gaadiid ah oo gelbinaysan madaxweynaha Jubaland Amxed Maxamed Islaam Axmed Maddobe.