Shabaab oo Hanjabay Bangiyada iyo Shirkaddaha Ganacsiga ee Soomaalida

Kooxda Al-shabaab ayaa soo saartay fariin u muuqatay hanjabaad ku socota Bangiyada iyo shirkaddaha ganasiga  Soomaalida, kadib hindise Sharciyeedkii Cunaqabateynta Maaliyeadeed ee cayiman ee uu dhawaan asnixiyay Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa ku tilmaamay hindise sharciyeedkaas mid dowladda Mareykanka ay ka dambeyso oo lagu doonayo in lagu boobo hantida shirkadaha iyo ganacsatada Soomaalida.

“Waa qorshe ay dowladda Mareykanka wax badan kasoo shaqaysay, una diyaarsatay dowladdii u fulin lahayd, hay’adihiisii ka hawlgeli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego. Waxaad ogtihiin in Mareykanka uu hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay oo waqtigaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay qalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday” ayuu yiri Afhayeenka Shabaab Cali Dheere.

Afhayeen Cali Dheere ayaa uga digay Bangiyada Soomaalida iney la wadaagaan dowladda Soomaaliya xogta dadka macaamiisha u ah, wuxuuna xusay iney ka war hayaan Bangiyo ajaaniib ah oo la doonaya in gudaha Soomaaliya laga furo.

“Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan” ayuu yiri Afhayeenka Shabaab Cali Dheere.

Gabagabadii hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka kooxda Shabaab ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay xirtay akoono iyo lambaro kooxda lacago baad ah uga qaadan jireen dadka Soomaaliyeed, taasoo hoos u dhigtay dhanka dhaqaalaha ee kooxda Al-shabaab.

Halkan ka daawo shirka jara’id ee  Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere

 

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com