SAWIRRO: Xaruntii OTO OTO oo dib loo hawlgalinayo

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliya Gen Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa kormeeray Xaruntii isgaarsiinta Ciidanka Booliska ee la oron jiray OTO OTO oo astaan ay u tahay (888), halkaasi oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Taliyaha, ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay Xaruntaan, waxaana warbixin buuxda dayactirka lagu sameeyey xarunta 888 ka siiyey maamulkaasi xaruntaasi.

Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Taliska uu diyaariyey qorsheyaal dib loogu dayactirayo Xarumihii Ciidanka Booliska uu lahaa ee ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

Gen Bashiir, ayaa xusay in dayactirka kadib dhowaan dib loo furi doono Xaruntii isgaarsiinta Taliska Ciidanka Booliska ee OTO OTO, waxaana uu xusay in la diyaariyey dhammaan qalabkii kala duwanaa ee xaruntaan ay ku shaqeyn laheyd, dhawaana la howlgalin doono sida uu yiri Gen Bashiir Cabdi Maxamed.