SAWIRRO: Xaafad cusub oo laga hirgaliyay duleedka Muqdisho iyo Shuruuc lagu soo rogay dadka degaya

Xaafad Cusub oo lagu magacaabo Daarul xadiith Wa-sunnah ayaa laga hirgaliyay duleedka magaalada Muqdisho.

Xaafadan oo deegaan ahaan u dhow Garasbaaley ayaa waxaa hirgalinteeda lahaa Culumaa’udiin Soomaaliyeed walow ay jiraan warar sheegaya in lala kaashaday Hey’ado carbeed oo Kheyriya.

Dadka qaar deegaankan degaya ayaa waxaa la siiyay dhulal ay si bilaash ah (Waqaf)  ku degaan ayadoo qofka degaanka la siiyana uu dhisan doono waliba sida ugu dhaqsiyaha badan  inkastoo ay tirada dadka dhulka la siiyay ay xadidneed si Nasiib ahna loo bixiyay dhulalkaas dhowr sano kahor.

Deegaanka Daarul Xadiith waxaa laga hirgaliyay Markaz wayn oo wax lagu barto kaasoo lagu baran doono waxbarashada Aasaasiga ee dhanka Diinta heerarkeeda kala duwan sida Xifdinta Qur’aanka kariimka, kitaabada kala duwan ee Diiniga ayadoo si wanaagsan wax loo bari doono cidii dooneysa in ay wax ka barato Markazka daarul Xadiith Wa-sunnah.

Maanta oo jimco ahayd ayaa waxaa lagu dukaday salaadii Jimcaha Masjidka wayn ee Daarul Xadiith waxaana soo xaadiray salaadii Jimcada maanta dad lagu qiyaasay 2,500 ilaa 3000 Qof.

Culimadii maanta Masjidka joogtay ee dadka Muxaadarooyin ku saabsan Muhiimada waxbarashada usoo jeediyay waxaa ka mid ahaa Sheekh Nuur cali Jaamac iyo Sheekh Axmed yare waxa ayna soo jeediyeen Muxaadarooyin lagu baraarujinayo in ay dadku ka faa’iideystaan Markazkan oo lagu baran doono Maadooyinka diiniga ah.

Xaafada daarul Xadiith oo ku taalo meel istiraatijiyad ah cimiladeedu ay wanaagsantahay ayaa waxa u dhow wadada aada garoonkii diyaaradaha ee Deyniile, xarun ay leedahay shirkadda Korontada bixiso ee Beco xaruntaas ayaana loo diyaarinayaa in laga dhigo xarunta ugu wayn ee Korontada bixiso ayadoona loo diyaarinayo dhismayaal waaweyn oo hadaba la bilaabay howlahooda.

Hadaba waxaa jira Shuruuc ay waajibtahay in ay hirgaliyaan dadka degaya xaafada Darul xadiith Wa-sunnah gaar ahaan dadka wax ka baranaay Markazka.

Hoos ka Akhriso Sharuudaha deegaanka Daarul Xadiith Wa-sunnah.

 

Sawirada kale ee laga soo qaaday xaafada Cusub iyo Booqashadii dadweynaha Salaada u yimid maanta Masjidka Daarul Xadiith wa-sunnah.