SAWIRRO: Wasaarada Amniga Oo Soo Bandhigtay Meydadka Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Shalay lagu dilay Buulo Mareer

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagalalo culus oo Shalay ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose kadib markii Al-Shabab ay weerareen magaalada Buulo Mareer iyo degmooyin kale oo u dhow halkaasi.

Warar Aan ka helnay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ay ku dhinteen weerarkan kadib markii ay ku guuldarraysteen inay galaan xeryaha ciidamada AMISOM ee magaalada Buulo Mareer iyo Tuulada Golweyn.

Al-Shabab ayaa saddex baabuur oo qaraxyo ka buuxaan u adeegsaday weeraradan waxayna dhinacooda sheegteen inay dileen 59 ka tirsan ciidamada AMISOM,

Afhayeenka Wasaarada Amniga Dowlada Federaalka ayaa bartiisa Facebook-ga ku faafiyay Sawirada meydad Uu ku sheegay inay ahaayeen Kuwii shalay Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Buulo Mareer, Sidoo Kale Waxaa Uu sheegay in Al-Shabaab laga soo furtay Hub iyo Saanad Ciidan,