Sawirro: Wafdi isagu jira Saraakiil iyo Xildhibaano oo gaaray Balanbale

Wafti ka kooban Saraakiisha ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan oo ay hogaaminayaan
Taliyayaasha Booliska, Xoogga Dalks iyo Asluubta iyo Xildhibaano ka tirsan DF ayaa hada soo gaaray Degmada Balanbale.

Ujeedada Safarka Saraakiishan ayaa ah Diiwaan galinta Ciidamada Ku sugan Degmada Balanbale iyo deegaanada ku xeeran
Waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Xildhibaano iyo Maamulka Degmada Balanballe.

Sidoo kale Mas’uuliyiintan ayaa ku wajahan Xeraale waxa ayna tagi doonaan meel walba oo ay ku suganyihiin Ciidamo u baahan in la qarameeyo.