SAWIRRO: Waare oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kulanka ayaa ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo lagu soo dhoweeyay wafdiga Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare oo ay wehliyeen xubno ka tirsan maamulkiisa, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan ayaa waxay warbixin ka siiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle xaaladaha guud ee gobolka iyo howl galka AMISOM ee qeyb ka tahay Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Geelle ku wehliyay Wasiirka Difaaca Jabuuti iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti.

Madaxweyne Waare ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday la hadlay Telefishinka SNTV, waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay iyo niyad wanaaga walaalaha Jabuuti, isagoo xusay in Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan ay door weyn ka qaaten nabadeynta iyo amni soo celinta Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in Jabuuti ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu talo ugu soo jeediyay in la dhameeyo khilaafaadka, dib u heshiisiinta laga shaqeeyo.

Madaxweyne Waare ayaa kormeeray qeybo ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee Jabuuti, sida Dekeda Jabuuti iyo goobo kale.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweyne Waare ku tago Jabuuti, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay sanadkii hore.

Jabuuti ayaa qeyb ka ah howl galka AMISOM, waxaana ay ciidamo kumanaan askari ka joogaan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne, Buulo Burte iyo Jalalaqsi.