SAWIRRO: Taliye Gorod oo tababar usoo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka 89-aad

Ururka 89-aad SAADKA ee ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa magaalada Muqdisho loogu soo xiray tababar  aqoon kororsi ah oo ku   aadan sida ugu wanaagsan oo ay u gudan karaan waajibaadka horyaalla,ee ciidanimo,kaasi oo socday muddo lixbilood ah.

Ururrada hoostaga talisyada gaarka ah ayaa loo jeediyey in ay u tafa xeytaan sidii ay ciidammada u siin lahaayeen tababarro aqoonta iyo awoodda Askarta lagu dhisayo, taliska guud ee ciidammada xooggana uu kula xisaabtami doono.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 89-aad ee Saadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ku aadan tayaynta iyo dhismaha ciidanka Qaranka,kuwaasi oo loo diyaarinayo in ay AMISOM kala wareegaan guud ahaan ammaanka Dalka.