SAWIRRO: Shirka Maamul Goboleedyada dalka oo ka furmay magaalada Kismaayo

Shirka madaxda maamul goboleedyada ayaa si rasmi ah uga furmay goordhow  magaalada Kismaayo kadib markii ay halkaasi gaareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan oo uu ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa loogaga hadli doonaa arrimo kala gedisan oo quseeya siyaasada dalka Soomaaliya.

Madaxda shirka qeybgalaysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada Hirshabelle, Galmudug, Puntland, Koofurgalbeed iyo Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in shirkan si gaar ah diirada loogu saarayo arrinta la xiriirta khilaafka Khaliijka oo saameyn ku yeelatay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Ammaanka magaalada Kismaayo gaar ahaan goobta uu shirka ka furmay ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn ee Kismayo lagu rakayaa Ciidamo dheeeraad ah oo hubeysan.

Shirkan ka furmay caawa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qabtaa dareen lixaad leh.