SAWIRRO: Raggii Watay Gaariga qaraxyada ka buuxeen oo lasoo bandhigay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne,waxana howlgalkaas lagu soo qabtay qaraxyo iyo dadkii watay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Howlgalkaas ayaa intiisa badan waxaa laga sameeyay Xaafada Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana uu ahaa mid qorsheysan.

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, qaybta Gobolka Hiiraan Isaaq Idiris Cismaan ayaa soo bandhigay 13 qof ee howlgalka lagu soo qabtay Gaariga ay ku raran yihiin Biraha laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo hubka,waxa uuna sheegay in dadkaas baaritaan lagu sameyn doono.

Sidoo kale shir Jaraa’id ee uu qabtay ayaa waxa uu ku sheegay in Ciidamadu ay qabten Nin isku soo xiray waxyabaha qarxa kaas oo ay ku guuleysteen in ay ka furfuran.