SAWIRRO: R/wasaare Kheyre oo furay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaasoo markii u horeysay lagu qabtay Soomaaliya, tan iyo markii Kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC la aas aasay sanadkii 2007-dii.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shirka maanta ee ururka Iskaashiga Islaamka uu astaan u yahay in Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii aas aasay ay ku soo laabatay fagaaraha, iyadoo xal u raadinaysa dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay ee horumuudka u noqotay in shirkaan lagu qabto Muqdisho.

Shirkan ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.

Hoolka uu ka socdo shirka waxaa ku sugan madax kala duwan oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shiraan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan,  Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dowladda Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kamid ah Madaxda ka qeyb-galaysa shirkan.

Ururka Iskaashiga islaamka oo ah ururka labaad ee ugu wayn dunida oo ay ku midaysanyihii 57 dal ayaa la aas aasay 1969, waxaa uu ururka leeyahay dhowr Kooxood oo u qaabilsan dalalka Islaamka ee dhibaatooyinka ka jiraan sida Falastiin oo kale.