SAWIRRO: Qoysasas cabasho ka muujiyay Dhul Sharci ah oo dowladda kala wareegtay

Qoysas ku nool deegaan ku yaal duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay cabasho ka keeneen dhul ay si sharci ah ku leeyihiin ay  la wareegtay dowlada kuna wareejisay dowlada Turkiga, halkaasoo ay ka dhiseyo xero ciidan ay leeyihiin Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Dadkan oo isugu soo baxay deegaankaas oo lagu magacaabo Buulo Raqiis ayaa waxaa cabasho u gudbiyeen dowlada Federalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka.

“Dhulkaan sharci ayaan u haysanaa waxaan degeneyn muddo dheer Dowladii Siyaad Barre ayaa na siisay ma ahan dhul dan guud balse waxaan maqalnay in la wareejiyay,”ayuu yiri mid kamid ah  dadka degen deegaankaas.

“Waxaan isku daynay inaan u tagno oo aan cabashadeena u gudbino guddoomiyaha gobolka Banaadir balse albaabka waa nalaga deyn waayo kulan iskaba daa.”ayuu sii raaciyay.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka in musuqmaasuq uusan ka dhamaan dalka balse madaxda dalka ay wadaan musuqmaasuqa maxaa yeelay sharciga waa lagu tumanayaa shacabkiina waa lagu tumanayaa,”ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka dhowaan lagu wareejiyay dowlada Turkiga.

Haweeney da’ ah oo ka mid ah dadka degen deegaankaa ayaa sheegtay inay ku dhalatay deegaankaas isla markaana waalidkeed halkaa ay ku duugan yihiin.

Dhowaan ayaa deegaankaas waxaa maamulka gobolka Banaadir uu ku wareejiyay wasaarada gaashaandhigga iyadoo dowlada Turkiga ay ka dhisi doonto xarun lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.