Waxaa maanta la sumeeyay qaar ka mid ah Heweenka ka Shaqeeya dhanka Nadaafada ee gobolka Banaadir, kuwaas oo haatan la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.
Haweenkaan sumoobay ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 9,waxaan la sheegay in gaariga Soomaalida u taqaano NOHA uu buufiyay, kaas oo aan laheyn wax taargo ah kadibna uu baxsaday,iyada oo haweenkaas la geeyay Isbitaalka Hubaal oo ku yaalla meel u dhow Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.
Afar ka mid ah Haweenka sumoobay oo xaaladooda aad u darantahay ayaa la geeyay isbitaalka Urduagan Ex-Digfeer sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Haweenkaas qaarkood uu is bedelay jirkooda ayadoona Gacmaha iyo Lugaha ay isku soo laabmeen.
Ehelada qaar ka mid ah dadka la sumeeyey ayaa haatan ku sii qul qulaya Isbitaalka hubaal si ay uga qeyb qaaatan baxnaaninta dadkooda.
Dhacdadaan oo markii ugu horeysay lagu arkay magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda la garanayn Cid garatay kooxaha geysatay falkaas.












