Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya qoryo casri ah, gaar ahaan qoriga MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyadoo markii u horeysay qoryahan lagu tababari doono Ciidamada Soomaalida ee ku jira Xerada Turkiga ka furtay Muqdisho.
Sida ay baahisay Warbaahinta Turkiga 450 qori oo ah MPT-76 ayaa loogu deeqay dowladda Soomaaliya, waxaa qori casri ah oo ay Ciidamada Turkiga u adeegsadaan howl galada la xiriira la dagaalanka Argagixisada.
Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis iskaashiga dhanka difaaca iyo tababarka Ciidamada, waxaana hubkan uu qeyb ka yahay qalabeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Qoriga MPT-76 ayaa waxaa ku hubeysan ciidamada ilaaliya Madaxtooyada Turkiga, waa qori casri ah oo ay xilligan xiiseynayaan inay iibsadaan dalal uu ka mid yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiga.
Waxyaabaha Gaarka u ah Qorigan
Qorigan ayaa culeyskiisu yahay 4.1KG, waxaa uu wax ka dili karaa masaafo dhan 600m,waxaa uu dhirirkiisu yahay 920 mm, waxaana halkii daqiiqo ka dhaca 650 xabo.
Waxaa Qorigan soo saaray ama naqshadeeyay MKEK waxaana la naqshadeeyay Sanadii 2009 waxaana la adeegsaday sanadii 2014.
MPT-76 waxaa ku jira maado Gas-Operated ah taas oo ka hortagta inuu qoriga kululaado waana midda u sahashay in qorigan si is daba joog ah uu Rasaasta u tufo.