Sheikh mukhtar Roobow Aya Gaaray Caasimada KG Dowlad Goboledka Jubbaland ee Kismaayo.
Waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish iyo xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana garoonka diyaaradaha lagaga galbiyay gawaarida aan xabadaha karin, iyadoo ammaankiisa si aad loo ilaalinayay.
Imaanshaha Sheikh Mukhtar Roobow Aya Waxa ka soo Baxaya Waraar kala Duwan Waraarka qaar aya Sheegaya in Hay’adda Sirdoonka Dawladda Jubbaland Ay lahayd Qorshaha uu Ku yimid Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada Dawlad Goboledka Jubaland kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abuumansuur) oo uu kamid yahay Wasiirki Hore ee Gaashandhiga Dawladda federaalka Somalia Cabdi Rashiid.
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax faah faahin ah oo kasoo baxaya u jeedka safarka uu Muqtaar roobow ku tagay magaalada Kismaayo balse waxa ay u muuqataa mid ku saabsan la tashi iyo Xog wareysi ku aadan qaabka loo wajahayo la dagaalanka Al-shabaab.