SAWIRRO+ ViIDEO: Madaxweynihii DDSI Cabdi Maxamud Cumar Oo Xabsi Loo Taxaabay

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) ayaa ciidamadu ka qabteen magaalada Addis Ababa, iyadoo xabsi loo taxaabay.

TV-ga iyo warbaahinta kale Itoobiya ayaa baahisay muuqaalka Cabdi Iley oo ciidamo kaxeysanayaan, iyadoo xabsi loo wado, waxaana la xaqiijiyey in dacwad loo diyaariyey kiisas uu galay oo ku saabsan dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii Baarlamaanka degaanka Soomaalida uu shaley gelinkii danbe ka qaaday xasaanadii xildhibaannimo si loogu gogol xaaro dacwadiisa iyo in maxkamad lasoo taago.

Xafiiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga loo taxaabay., iyadoo laga qabtay gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar, waxaana ka mida.

  1. Cabdijamal Qolombi : Xeer Ilaaliyihii dowlad deegaanka
  2. Raxma Maxamed : Wasiirkii Haweenka iyo Carruurta
  3. Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha
  4. Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii JigJiga