SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo dhiig ku deeqay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Booqday dadka ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku deeqay Dhiig Bukaanadii ku waxyeeloobay Qaraxaas oo ahaa kii ugu saamaynta badnaa oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dadkaas ilaah uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo kuwa ku geeriyoodayna ilaah u dambi dhaafo oo jana Fardowsa ka abaal mariyo.

Dhanka kale Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku baayay in Baroor diiq Qaran la qabto, kadib, qarixii weynaa ee shalay ka dhacay Hoteelada iyo goobaha Ganacsi ee ku teedsan Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Gargaar Degdeg ah gaarsiiyaan dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Guddoomiyaha Maamulak Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed waxa uu qarixii shalay ku tilmaamay Masiibo, wuxuuna ka codsaday dhamaan Ummadda Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan baadigoobka maydadka ku hoos xaniban Burburka Dhismayaasha uu qaraxu saameeyey.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan BFS oo dhaawac Fudud ka so ogaaray Qaraxaasi waxa uu Idaacadda VOA u sheegay inay in ka badan 100 qof ku geeriyootay Qaraxaasi, kuwaasi oo badankooda dad Rayid ahaa.

Sidoo kale, Weriye C/qaadir Maxamed C/lle oo ka tirsan Idaacadda VOA-da ayaa isagana ku dhaawacmay Qaraxaasi, waxayna Xaaskiisa Samiir C/raxmaan Sheekh xaqiijisay inay dhaawacyo ka soo gaareen Luqunta, Madaxa iyo Gacanta Midig.

Si kastaba ha ahaatee, Qarixii shalay ayaa la sheegay inay inuu ahaa kii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee ka dhaca magaalladda Muqdisho.