SAWIRRO: Kumaandooska Soomaaliya oo burburiyay Saldhigii ugu weynaa Al-shabaab ee SH/Hoose

Ciidamada kumaandooska soomaaliya ee Danab ayaa bur buriyay xaruntii ugu weyneed Al-shabaab ay ku lahayeen gobolka shabellaha hoose.

Degaanka leego ee gobolka shabellaha hoose oo Al-shabaab ay ku lahayeen baro kontorool ayaa la bur buriyay ka dib howlgal halkaasi ay ka fuliyeen ciidamada danab
Taliyaha ciidamada kumaandooska soomaaliya ee danab G/sare Ahmed Cabdullahi sheikh Oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in howlgal gaar ah ciidamada kumaandooska soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka leego ay ku bur buriyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen Halkaasi

G/sare Ahmed cabdullahi sheikh waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada kumaandooska ay howlgalka ku dileen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo tiradooda uu ku sheegay 10-askari.
Saldhigyada ciidamada ay bur buriyeen ayaa la sheegay in Al-shabaab ku qaadi jireen lacago baad ah.

Taliyaha ciidanka danab waxa uu ugu dambeyn sheegay in ciidanka kumaandooska soomaaliya ay xoojiyeen howlgalada lagu ciribtirayo Xarakadda Al-shabaab.