Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43-aad iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya oo wata gadiidka dagaalka ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose u jira 45-KM.
Howlgalka Al-shabaab looga saaray Baar Sanguuni ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43-aad, Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland
Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 43-aad General Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Kumaandooska Danab ay Al-shabaab ka saareen degaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
General Saxardiid oo sii hadlay ayaa sheegay Howlgalka Al-shabaab looga saaray degaanka Sanguuni in ay ka qeyb qaateen Diyaarado Helicopter ah oo ay wateen Ciidamo u dhashay wadanka Mareynkanka.
Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha intii uu howlgalkan socday in Ciidamada ay dileen 7 dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, iyo Afar Sarkaal oo uu ka mid ahaa sarkaalkii Shabaab ee degaankaasi.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 43-aad General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay Ciidamada Xoogga dalka in ay gacanta ku dhigeen laba gadiidka nuuca dagaalka ah oo ay lahaayeen Dagaalyahanada Shabaab.













