Magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa ka dhacay Qaraxyo, kuwaa soo ka kala dhacay Degmada Xamarweyne iyo daljirka Dahsoon.
Qaraxa koowaad ayaa loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana uu ka dhacay Hotel Naasahablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa ku dhintay Qaraxaasi ku dhawaad 10 qof, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo.
Wararka horu dhaca ayaa sheegaya in Xildhibaan hore C/naasir Gaarane uu ku dhintay qaraxa, sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay Taliyihii Booliska degmada Dayniile Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku sugan goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo iyo Gurmadka dadkii.
Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi,islamarkaana ay dadka Shacabka kaga digeen in ay halkaasi ka agdhawaadaan.
Saraakiisha Amniga iyo dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi oo asna loo adeegsaday Gaari uusan geysan Khasaare.
Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay weerareen Hotelka Naasahablood 2.
Qaraxa ayaa saameynta ugu xooggan ka soo gaartay goobo ganacsi ku dhowaa Hotelka, sida maqaayada caanka ah ee Banooda oo galbihii dadka fariistaan.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay,waxaana ka socday howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.
14-kii Bishaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxii ugu weynaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya, waxaana uu sababay dhimashadda ku dhawaad 360 qof.