Wafdi balaaran oo ay qeyb ka yihiin Agaasimaha HSJ Col Koofi, madaxweyne Ku xigeenka Jubaland, wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa gaaray shalay Magaalada Balad Xaawo ee Gobobolka Gado si ay u soo arkaan darbi la sheegay in dowlada Kenya ay ka dhiseyso gudaha Soomaliya isla markaana ay soo ogaadan xaqiiqada meesha ka jirta.
Wafdigan oo ka ambabaxay magaalada Miqdisho ee Caasimaddda Soomaliya ayaa waxa ay socdaalkooda ka bilaabeen magaalada Doolow waaxana ay tageen xafiiska barta xaduuda ka furan ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Intaas kadib Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaliya Col Koofi ayaa halkaas ka dhagax dhigay xarun cusub oo hay’adda furatay.