Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hoteelka Safaari.
Gaariga laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa ku Qarxay Afaafka Hore ee hoteelka.
Gaariga Qaraxa loo adeegsaday ayaa ahaa Gaariweyn oo xamuul ah kaasoo laga buuxiyay walxaha qarxa.
Waxaa xusid mudan dhammaan in ay burbureen Hoteeladii iyo Guriyihii ka agdhawaa goobta uu Qaraxu ka dhacay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta Goobsan u sheegay qaraxaasi in ay ku dhinteen dad gaaraya 20 qof oo ay arkeen Maydad meesha laga daad gureynayo, kuwaasi oo xilligii uu qaraxa dhacayay goobta ka ag-dhowaa.
Waxaa sidoo kale jirta dhaawcyo gaaraya 50 qof, Maadaama meesha uu Qaraxu ka dhacay ay tahay mid Mashquul badan.
Saraakiisha Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay sheegeen halkaasi in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si ay u soo qaadaan dadka ku waxyeelobay qaraxaasi, goobaha caafimaadkana ay u gaarsiiyaan.
Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee goobta uu qaraxa ka dhacay, iyo in ay sameeyaan baaritaano kale oo dheeraad ah.
Qaraxan, ayaa waxaa lagu sheegay mid ka mid ah qaraxyadii ugu xooganaa ee ka dhaca wadada halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho.