SAWIRRO: Dowladda Federalka oo bilaabeysa diiwaan galinta Ciidamada Militariga ee Goboladda Dalka

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa bilaabaysa qorshe ay ku diiwaangelinayso ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolada dalka si mushaaraadka ciidamada loogu shubo akawno ama xisaabaad ay leeyihiin.

Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Maaliyadda, Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha Diwaangelinta Akoon lacag ku qaadashada (biometric paurole) ee Ciidamada Milatariga Soomaaliyeed.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda dowlada federalka Maxamud Xayir Ibrahim, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa wax iska weydiiyay qaabka ugu fudud ee loo diwaan galin lahaa Ciidamada ku sugan Gobolada Dalka.

Qorshaha ah in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay Mishaarkooda ku qaataan habka Akoonka gaar ah ayaa lagu guuleystay in lagu bilaabo Magaalada Muqdisho, iyaddoona hadda loo gudbayo Gobolada Dalka.

Dadaaladan lagu doonayo in lagu diiwaangeliyo ciidamada xoogga dalka ayaa ka dambeeyay kadib markii dowlada Soomaaliya lagu eedeeyay inaysan hayn tiro rasmi ah oo ciidamada xoogga dalka kuwaasoo ku kala firirsan gobolada dalka.