Dagaal u dhaxeeyey Ciidamo kawada tirsan dowladda ayaa la sheegay in uu ka dhacay Xerada Imaaraadka ay ciidamada ku tababari jireyn ee Gen,Golden halkaas oo maalma kahor ay Dowladda Soomaaliya la wareegtay Ciidankii ay Imaaraadka tababareen.
Dagaalka ayaa wararka aan helnay waxa ay sheegayaan in uu salka ku haayo in Saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga ay iskudayeen in ay Gawaarida Ciidamada oo ay ka tageen Imaaraadka ee Xeradaas ku suygnaa balse ay ka diideen Ciidamadii ku sugnaa digsiga tababarka Gen,Golden.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadaha ku dhow dhow Xerada sida Tarabuunka agagaarka Kulliyada Jaale Siyaad iyo Warshada Caanaha welina lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,iyada oo weli aysan ka hadlin laamaha amniga Soomaaliya.
Xaalada goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa haatan kacsan,waxaana ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka eek u sugan yihiin Xerada Gen,Golden,sida ay dadka deegaanka Goobsan u sheegeen.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo dhowr tallaabo u jirta halka uu dagaalka ka socdo.