Kadib howlgalkii ay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ay shalay Al-shabaab kagala wareegeen degaanka Baladul-Amiin ee hoostaga Degmada Walaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa gacanta ku dhigay Kartoonyo lagu xareeyay qaraxyo iyo hub Al-shabaab ugu jiray guri ku yaala degaankaasi, sida warbahinta dowlada ay baahisay.
Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay guulo uu sheegay iney gaareen ciidamada Dowladda,gacantana lagu dhigay Qaraxyo iyo rasaas oo yaalay guri ku yaala deegaan Baladul Amiin
Sidoo kale Saraakiisha kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyeen in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ay gacanta ku dhegeen taleefano Al-Shabaab ay u isticmalaan weerarada qaraxyada .
Howlgaladani oo ah kuwo qorsheysan ayaa ujeedkoodu yahay sidii Alshabaab looga saari lahaa guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya oo ah halka ay ciidamadoodu ka howlgalaan.
Waxaa barbar socda howlgaladaasi dhulka ah,duqeymo xagga Cirka ah oo lagu beegsanayo Mas’uuliyiinta iyo fariisimayaasha Xarakada Al-Shabaab ee Gobalada dalka.
halkan ka Daawo Sawirrada Ciidamada Xooga Howlgalkii ay ka sameeyeen Deegaanka Baladul-Amiin