SAWIRRO: Ciidamada Puntland oo soo bandhigay qalab ay isticmaalayeen Daacishta Soomaaliya

Todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland waxa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaanada Buuralaeyda ah ee gobolka Bari.

Saraakiisha ciidamada ayaa waxa ay horay u sheegeen in hwolgalkaas uu yahay mid lagu baadi goobayo rag ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo Buuraha Galgala iyo miskaad ku sugan.

Howlgalalada ayaa Ciidamadu wxa ay sigaar ah ugsa sameeyeen deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol iyo deegano akle.

Saraakiisha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Intii hawlgalkaani socday ay ciidamada Puntland  Daacish ka saareen goobo ay kaga sugnaayeen  Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada Qandala isla markaana ay  ciidamadu ay burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan  Daacish oo ku yaala aaggaas.

Sidoo kale waxa ay hadalkooda intaas ku dareen in laga qabsaday qalab ay ku samayn jireen waxyabaha qarxa sida ay hadalka u dhigeen.