SAWIRRO: Ciidamada Dowladda oo soo bandhigay Rag katirsan Al-shabaab

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen ku dhowaad 15 Dagaalame oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kadib Howlgal qorsheysan  oo ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Website-ka Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu baahiyay Sawirrada ragga ka tirsan Shabaab ee Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ay sheegeen in ay ku soo qabteen howlgalka gaarka ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa wuxuu sheegay howlgalkan inuu si gaar ah uga dhacay degaanada kala ah Daniga, Basro, Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay holwgalkan in lagu dilay Dagaalamayaal kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay Ciidamada xoogga dalka in ay garab ka helayaan Ciidamo Mareykan ah.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab ayaa waxaa muuqata in ay dardar ku socdaan Howlgalada Shabaab looga saarayo dalka.