SAWIRRO: Ciidamada Amaanka oo gacanta ku dhigay Qaraxyo iyo Ragii diyaarinayay

ciidamada amaanka ee degmada Luuq ee Gobolka Gedo ay gacanta Ku dhigay Qaraxyo iyo ragii waday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada degmada Luuq ayaa Warbaahinta u soo bandhigay raggaas oo gaaraya ilaa laba Nin iyo waxyaabaha qarxa oo ay wateen kuwaas oo u badan bambaanooyinka Gacanta laga tuuro.

Howlgal ay ka sameeyeen gudaha degmada Luuq ayay sheegeen Saraakiisha ciidamada Jubbaland in ay ku soo qabteen raggaas kadib xog ay ka heleen Shacabka degmada.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Warbaahinta Goobsan.com u sheegay in Ragaas Mid ka mid ah laga war helay inuu maleegayo falal lidi ku Amaanka.

Ciidamada Amaanka degmada Luuq ayaa ku jira Foojignaan dheeri ah mana ahan markii ugu horeysay oo ay gacanta ku dhigaan Waxyaabaha Qarxa.